|
Written by boramanews
Monday, 08 February 2010 13:21 |
|
|
|
|
|
Madaxa Siyaasada Ururka Xamaas oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka |
|
Madaxa siyaasada ururka reer Falastiin ee Xamaas KHalid Meshaal ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov iyagoo ka wada hadlay Mustaqbalka Falastiin iyo inay midoobaan kooxaha reer falastiin.
Lavrov Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka oo u waramayey Saxaafada Maanta(Isniin) ayaa sheegay in wada hadalada uu la yeeshay Xamaas ay awooda saarayn dadaalada Masar wado ee u midaynta Kooxaha Falastiin.
Khalid Mashal Madaxa Siyaasada ururka Xamaas ayaa amaanay dadaalka Ruushku ku doonayo in la heshiisiyo Dowlada sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Xamaas oo gacanta ku haya Qasa iyo ururka Fatax ee Madaxweyne Maxamuud Cabaas.
Waraysi uu siiyey Meshaal Wargeyska Vremya Novostei oo Ruushka kasoo baxa ayuu ku sheegay in Maraykanku isku dayayo inuiu burburiyo wada hadalada Falastiiniyiinta dhexdooda ee lagu doonayo in lagu mideeyo isagoo waa Maraykankee cadaadis saaraya buu yidhi Cabaas iyo Masar.
Safar Khalid Meshal ku tagay Ruushka maahan kii ugu horeyey balse wuxu hore u booqday Ruushka labo jeer oo hore oo kala ahaa 2006 iyo 2007
Ruushka ayaa Dhaqaale iyo taakulayn siiyey Ururka Xamas markii reer ay ku guulaystayn Doorashada ee Reer Galbeedku ka jarayn deeqaha la geeyo Marinka Qasa
|