|
Madaxweynaha Algeria Oo Ka Dalbaday Zidane Inuu Noqdo Tababaraha Xulka Qaranka Dalkaasi Ee Hogaamin Doona Koobka Adduunka
Madaxweynaha dalka dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika, ayaa waxa uu ka dalbaday xidigii hore xulka qaranka Faransiiska iyo Real Madrid Zinedine Zidane inuu tababare u noqdo xulka qaranka ee dalka Algeria. Madaxweynaha Abdelaziz Bouteflika ayaa dalabkan u gudbiyey xidigan rug cadaaga ah Zinedine Zidane xilli ay wada yeesheen kulan gaar ah oo casho ah,kaasoo ka dhacay xarunta madaxtooyada dalka Algeria.
Mr. Abdelaziz Bouteflika ayaa u soo jeediyey intii ay socotay casho sharaftaasi inuu Zidane qabto hogaanka tababarka xulka Algeria marka uu dhamaado qandaraaska tababaraha imika ee xulkaasi. Wararku waxay intaasi ku dareen in Madaxweynaha Abdelaziz uu sheegay inuu wakhti siinayo Zidane si uu uga soo fikiro go’aanka uu ka qaadanayo soo jeedintaasi. Warbaahinta Dalalka England iyo France ayaa si aad ah u hadal haya suurta galnimada in Zidane oo asal lahaan ka soo jeeda Dalka Algeria uu noqon doona tababaraha xulka qaranka Algeria uga qayb galaya tartanka koobka adduunka. Waxay ahayd sanadkii 2006-dii markii madaxweyne Abdelaziz Bouteflika sidan oo kale uu u soo jeediyey inuu Zidane noqodo tababaraha xulka qaranka Algeria,taasoo uu markiiba ganafka ku dhuftay xidigaasi.
Arseanal Oo Kabaha La Dulmaray Porto Iyo Bayern Munich Oo Dirqi Ku Soo Dhaaftay Fiorentina
Kooxda Arsenal ayaa waxay xalay Garoonkeeda Fly Emarites ku muujisay qaab ciyaareed aad u heer sareeya ka dib markii ay kabaha la dul martay Porto oo ciyaartii hore ugu soo awood sheegatay gurigooda, waxayna kaga badisay 5-gool iyo waxba. Waxa laakiin mucjiso iyo ma hadho ahaa goolkii uu dhaliyey Samir Nasri oo runtii ahaa gool taariikh iyo magac leh ka dib markii uu si xarago leh ku dhaafay 3-ciyaar yahan oo ka mid difaacyahanada Kooxda Porto.isla markaana Arsenal Waxay noqotay kooxdii u horeysay ee u soo gudubta wareega 3-aad ee Horyaalka Yurub, waxaana u suurtageliyey in ay soo gaadho wareegan ciyaaryahanada ay ka midka yihiin Andrey Arshavin, Samir Nasri, Emmanuel Eboue. Dhanka kale Kooxda Fiorentina ayaa Kooxda Bayern Munich kaga badisay 3-2 laakiin nasiib daro waa ay hadhay oo waxay ku hadhay labada gool ee gurigooda lagaga dhaliyey .
Kooxda Gashaan Oo Ku GuulaysatayKoobka Dahabshiil Ee Kubada Koleyga
Labada kooxood ee Gashaan iyo Goodir ayaa shalay ciyaartii kama danbaysta ahayd ee Koobkii Dahabshiil dhigtay ee Kubada Koleyga ku wada yeeshay garoonka Timacade ee Magaalada Hargeysa. Ciyaartan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ay guushu ku raacday Kooxda Gaashan oo ku guulaystay dhibco dhan 43 dhibcood, halka Kooxda Goodirna la timi 25. Inkastoo ciyaarta qaybtii hore ay kooxda Goodir gacan sareeysay ayaa haddana si lama filaan ah Kooxda Gaashan la timi ciyaar heer sare ah ciyaaarta qaybteedii danbe. Haadaba ciyaartan kama danbeysta ah ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiiin ka kala socotay labada Kooxood, masuuliiyin ka socotay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Xidhiidhka Kubada Koleyga iyo dadweyne aad u tiro badan.
Inter Milan Oo Noqotay Kooxda Loogu Jecel Yahay Dalka Talyaaniga Ee Taageerayaashoodu Soo Buux Dhaafiyaan Garoomada
Kooxda hogaanka u haysta Horyaalka Talyaaniga ee Inter Milan ayaa la sheegay inay noqotay kooxda ugu taageerayaasha badan naadiyada ka jira dalka Talyaaniga. Kooxda Inter oo sanadihii ugu dambeeyey ku talaabsanaysay guulo wax ku ool ah, ayaa waxa lagu ogaaday daraasada dhawaan la sameeyey in kooxda Inter tahay kooxda loogu daawashada badan yahay ciyaaraha ka dhaca garoomada dalka Talyaaniga. Daraasadan ayaa sheegtay in cel cellis ahaan ay Ciyaaraha Inter u soo daawasho tagaan 55,063 ciyaarkasta. Daraasadan ayaa waxa lagu sheegay inay kaalinta labaad ay ka gashay kooxda Napoli noqotay kooxda ugu taageerayaasha badan.Kooxdan ayaa waxa ay ka taageerayaal badatay Naadiyo waaweyn oo caanka ah, sida Milan Iyo Juventus, waxeyna heshay Napoli 49,228 Taageerayaal. Naadiga Milan ayaa ka gashay kaalinta 3-aad, waxaanay heshay, iyado cel celis ahaan heshay tiro gaadheysa 40,252, halka Kooxda Roma ay 35,695 oo Taageerayaal ku soo gashay booska 4-aad. Lazio ayaa si lama filaan ah ugu soo gashay 5-aad, waxaana celcelis ahaan ay heshay 32.829 Qof oo daawayaal ah. Kooxda Juventus ayaa waxa ku yimid taageerayaasha daawada hoos u dhaca aad u weyn,taasoo lala xidhiidhnayo inay keentay fadeexadii Calcio Poli oo kooxda ku reebtay saameyn aad u balaadhan,iyadoo kooxdaas oo inta badan ciyaaraheeda ay ka soo qayb geli jireen daawadayaal aad u tiro badani ay wayday. Daraasadaan cusub ayaa ku tilmaantay Taageerayaasha Juventus ee ka soo qayb galay Ciyaarihii Sanadkaan wey kordheyn, iyadoona 1.6% ay ka sara mareyn kuwii Season-kii hore, iyada oo sanadkan uu gaadhay 24,559 Oo Taageerayaal ah, halka Sanadkii hore uu ahaa 24,167.
Diyaraarintii Saleebaan Shaafi
Hargeysa/Somaliland
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|