11-06-2013 Muqdiso (Bnn) Wafdigan ayaa isugu jiray mas’uuliyiin ka socotay dowladda Jabuuti oo uu hoggaaminayey Maareeyaha Dekadda magaalada Jabuuti, iyo saraakiil dowladda Shiinaha u qaabilsan fulinta mashriicda dib u dhiska.
Wafdigan ayaa waxaa maanta Muqdisho ku soo dhaweeyey wasiir ku xiggeenka adeegga Bulshada Soomaaliya, xildhibaanno, safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya,Maareeyaha Dekadda Muqdisho iyo ku xigeenkiisa.
Wefdiga ayaa isla maanta kormeer ku soo sameeyey Dekadda caalamiga ee caasimadeenna, iyagoo soo indha indheeyey qaabka ay u shaqeyso iyo qeybaha ay ka kooban tahay dekadda, iyadoo uu warbixin siiyey maareeyaha Dakedda Muqdisho.
Mas’uuliyiinta ka kala socotay dowladaha Shiinaha iyo Jabuuti ayaa sheegay in ay gacan weyn ka geysanayaan mashaariicda dib loogu casriyeenayo Dekadda Muqdisho, isla markaana ay qorsheynayaa sidii loo ballaaran lahaa qaab dhismeedkeeda.
Kormeerkaasi kadib ayeey kulan wada qaateen Maareyaasha Dekadaha Muqdisho,iyo mas’uuliyiinta dowladaha jabuuti iyo Shiinaha ka socotay, iyagoo ka wada hadlay noocyada mashaariicda dib loogu hagaajinayo Dekadda caasimadda iyo taageero horumarinneed oo ay ku deeqi doonaan.
Dhinaca kale Maareyaha Dekadda Muqdisho Mudane C/llahi Cali Nuur ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo mashaariicda ay iska kaashanayaan dowlaha Jabuuti iyo Shiinaha oo ay ku horumarinayaan Dekadda, isagoo intaa raaciyey in arrintaas ay ka turjumeyso horumarka ka jira dalka gaar ahaan caasimadda.
Wafdigan ka socda labada dowladdooda ee Shiinaha iyo Jabuuti ayaa magaalada Muqdisho ku sugnaan doona maalmaha soo socda, iyadoo ay sidoo kale ay la kulmi doonaan madaxda Sare ee dalka, waxeyna sidoo kale booqan doono xarumo kale oo ka mid ay dhismayaasha taariikhiga ah ee caasimadeena
|
Friday, 31 May 2013 11:58 |
|
Friday, 14 June 2013 18:07 |
|
Monday, 17 June 2013 19:49 |
|
Tuesday, 18 June 2013 21:37 |
|
Sunday, 16 June 2013 15:04 |
|
Wednesday, 05 June 2013 10:32 |
|
Wednesday, 05 June 2013 17:55 |
|
Tuesday, 11 June 2013 11:22 |
|
Wednesday, 19 June 2013 13:36 |
|
Tuesday, 18 June 2013 23:41 |