15-06-2013 (BNN) Wararka ka imaanaya dalka Namiibiya ayaa sheegaya in Siddeed qof oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay si sharci-darro ah ku galeen dalka Namibia laga diiday in damiin lagu sii daayo. Maxkamad ku taala dalka Namibia ayaa lagu soo waramayaa iney xukuntay in Siddeeda qof ee Soomaalida ah ay sii xidhnaadaan ilaa 21-ka bishan June. Booliska gobolka Karas ee dalka Namibia ayaa qabtay muwaadiniinta Soomaalida toddobaadkii hore, xilli ay ka yimaadeen dhinaca dalka Koonfur Afrika oo dhawaan tacaddiyo loogu geystay dad Soomaali ah. Muwaadiniintan Soomaaliyeeed ee lagu hayo dalka Namibia ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay;
Maxamed Cabdi Siyaar oo 28 jir ah,
Maxamed Xasan Cabdulle oo 41 jir ah,
Cismaan Cabdi Sakariye oo 23 jir ah,
Cabdalla Cismaan Faarax oo 26 jir ah,
Kaafi Cali Xasan oo 24 jir ah,
Maxamed Cali Jin oo 28 jir ah,
Maxamed Ciise oo 47 jir ah
iyo Abuubakar Salle.
Bishii December ee sanadkii hore ayaa dowladda Namibia waxay dalka Koonfur Afrika dib ugu celisay Labo nin oo Soomaali ah oo magangalyo doon ahaa, kuwaas oo ay ku eedeysay in ay sharci-darro ku galeen dalkeeda
Xafiiska Wararka Boramanews-com
Isha Ku Hay BNN
|
Saturday, 08 June 2013 19:08 |
|
Tuesday, 18 June 2013 16:03 |
|
Friday, 14 June 2013 13:38 |
|
Sunday, 02 June 2013 23:40 |
|
Wednesday, 05 June 2013 06:00 |
|
Tuesday, 18 June 2013 00:32 |
|
Saturday, 15 June 2013 07:25 |
|
Tuesday, 18 June 2013 02:08 |
|
Monday, 17 June 2013 15:40 |
|
Tuesday, 18 June 2013 12:54 |