15-06-2013 Roma (Bnn) Wiil Soomaali ah oo ku noolaa dalka Talyaaniga ayaa waxaa la sheegay inuu is dilay oo uu dabaq dheer iska soo tuuray ka dib markii loo diiday sharciga dalkaas
Ninkan Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jirey Maxamed Maxamuud Guuleed (AUN) ayaa waxaa la sheegay inuu iska soo tuuray dabaqa 4 aad guri ku yaala magaalada Suicidio ragazzo somalo Firenze ee dalkaas Talyaaniga gurigaas aya sidoo kale waxaa ku noolaa kale oo soomaali ah oo gaaraayey ilaa iyo 150 qofood, Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa waxaa la sheegay inuu dalka Talyaaniga yimid sanadkii 2011 asagoona codsiyadiisii sharciga iyo dukumiinti uu ku shaqeysta loo diiday taas oo ay wararku sheegayaan inuu arintaas ka qaaday niyad jab iyo isla hadal ka dibna uu go'aansaday inuu is dilo taas oo uuna iska soo tuurey dabaqaas dheer.
Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalida ku nool dalkaas Talyaaniga ay yihiin kuwo ku nool nolol adag marka loo eego wadamada kale ee reer Yurub badankood ayaa wadankaas waxaa jira Soomaali badan oo ku dhibaateysan iyadoona ay inta badan Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool dalka Talyaaniga ay ku nool yihiin nolol aad iyo aad u adag oo dhinac kasta ah iyadoona ay mar walba ay soo wajahaan dhibaatooyin baaxad weyn oo ay adag tahay inay ka gudbaan
Boramanews Disk|
Friday, 07 June 2013 00:29 |
|
Friday, 31 May 2013 01:19 |
|
Saturday, 08 June 2013 20:37 |
|
Thursday, 30 May 2013 04:41 |
|
Sunday, 16 June 2013 06:04 |
|
Monday, 03 June 2013 20:24 |
|
Sunday, 16 June 2013 06:41 |
|
Tuesday, 04 June 2013 21:07 |
|
Thursday, 30 May 2013 07:47 |
|
Friday, 31 May 2013 16:23 |