15-06-2013 (BNN) Shir balaadhan oo ay iskugu yimaadeen Culimada Suniyiinta ah ee caalamka oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar oo lagaga dhawaaqay in dagaalka ka socda dalka Siiriya uu yahay Jihaad isla markaana waajib ay tahay in xukunka laga rido Bashaar Al Asad,oo ah in banaystay dhiiga Shacabka Siiriya.
Culimada Oo uu shirgudoominayay Sheekha Masriga ah ee Qardaawi ayaa lagu go,ooyay in lagu jighaado Asad isla markaana la caawiyo walaalaheena lagu xasuuqayo Siiriya ayay tidhi warmurtieed goobta laga Akhriyay.
Sheekha ugu sareeyay Culimada Sacuudiga Sheekh Cabdulcasiis Alsheekh oo isna goobta Ka Hadlay ayaa si adag ula dardaarmay Muslimiinta sheegayna in la xoreeyo lana gargaaro Muslimiinta walaalaheena ee Dalka Siiriya,Halka Isna uu ka daba qaatay uu sheekha ugu Sareeyay Jaamacada Al Azhar Sheekh Hassan Al Shafaa,i uu isna sii adkeeyay Go,aanka Culimada.
Madaxweynaha Dalka Masar oo isna goobta ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in la taageero loona hiilyo Shacabka Siiriya,lana jihaado xukunka Baadilka Ah Ee Asad.
Isku soo wada duuboo tani waxa ay kusoo beegmaysaa xili shiicada Iiraan Iyo Xisbulah ku dhawaaqeen dagaalka in ay kula jiraan Asad oo ay difaacayaan ,Tanina waxa ay noqon doontaa dagaal Cad oo xaga madhabta ah Sunniga iyo shiicada,waxaana hubaal ah in dalal badan saamayn doonto deganaashahooda.
Xafiiska Wararka Boramanews.com
|
Sunday, 09 June 2013 02:43 |
|
Tuesday, 18 June 2013 12:11 |
|
Wednesday, 29 May 2013 18:54 |
|
Friday, 07 June 2013 00:29 |
|
Wednesday, 05 June 2013 17:19 |
|
Wednesday, 05 June 2013 06:00 |
|
Saturday, 01 June 2013 09:24 |
|
Saturday, 01 June 2013 05:58 |
|
Sunday, 02 June 2013 15:55 |
|
Saturday, 01 June 2013 10:35 |