|
Written by boramanews
Saturday, 31 July 2010 05:16 |
|
|
|
|
|
Qaramada Midoobay oo Sucuudiga ugu Baaqday Joojinta Tarxiilka Soomaalida |
|
Iyadoo ay dowladda Sacduudiga la-dagaalan xoogan kula jirto dadka aanan sharciyada laheyn ee dalkeeda ku sugan, ayaa waxay si’aad ah wadankeeda uga musaafurisaa ummada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda.
Qaramada Midoobe ayaa maanta baaq kasoo saartay tarxiilka uu Sacuudiga ku haayo shacabka Soomaliyeed, xilli uu dalkooda ka soconaayo dagaalo xoogan, kuwaa oo uu sheegay inaysan heysan meel ay dib ugu laabtaan.
Afhayeenada Qaramada Midoobe u qaabilsan hay’adda UNCHR Melissa Fleming oo maanta saxaafadda la-hadleysay ayaa muujisay sida ay Qaramada Midoobe uga xun tahay, xaalufinta lagu haayo shacabka Soomaaliyeed, oo uu dagaalo ka soconaayo dalkooda, isla-markaana waxay carabka ku dhufatay in loo-baahan yahay inay dowladda Sacuudiga muujiso dabacsanaan ay ku lamaanan tahay naxariis.
Melissa Fleming ayaa waxay sheegtay in laba bilood gudahood ay dowladda Sacuudiga ku tarxiishay in ka badan laba kun oo ruux, kuwaa oo lagu celshay bay tiri dal uu la-habsaday dagaalo sokeeye, waxayna mar kale ugu baaqday dowladda Sacuudiga inay muujiso naxariis dabacsan.
Sidoo kale Melissa Fleming ayaa waxay ku nuux-nuux-satay in hay’adda UNCHR ay si’aad ah uga xun tahay, tarxiilka aanan dhamaadka laheyn ee lagu gurbinaayo ummada Soomaaliyeed, kuwaa oo isku soo biimeeyay bay tiri sidii ay ku imaan lahayeen boqortooyadda Sacuudiga, waxayna qaarkood soo maraan bay tiri meelo halis ah, sida badda.
Hadalkaan kasoo yeeray afhayeenadaan u qaabilsan Qaramada Midoobe hay’adda UNCHR, ayaa wuxuu kusoo aadaayaa xilli muddo laba bilood gudaheed ay dowladda Sacuudiga dalkeeda si-xoog ah uga saartay shacab tiradooda lagu sheegay laba kun, kuwaa oo isku jiray, Haween, Caruur iyo waayeelaba.
|