dahabshiil

BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Afar Qof Oo Mid Boolis Yahay Oo Ku Dhaawacmay Weerar Lagu Qaaday Masaajid Ku Yaala Magaalada Birmingham Ee Cariga Britain Iyo Soomaali .. +VIDEO

CD

Weerar sababay dhaawaca Sadax qof oo midi ay tahay Haweeney Boolis ah ayaa xalay ka dhacay gudaha masjidka Washwood Health Muslim Center ee ku yaal Ward End Birmingham ee dalka Britain.

Weerarkan ayaa dhacay xili lagu guda jiray Salaadii cishaha ayaa waxaa la sheegay in uu geystay nin muuqaal Soomaali leh oo watay Mindi.

Weerarkan ayaa waxaa loo qabtay qof 32 jir ah kaasoo lagu haayo saldhiga Booliiska West Midlands.

Mahammed Shafiq oo ah madaxa hay,ada Muslimiinta ayaa muujiyay sida uu ugu walwalsan yahay dhibanayaasha ku dhaawacmay weerarkaasi iyo eheladoodaba, waxa uuna yiri.

“kuma deg degi kari in aan iska saadaaliyo sida ay wax u dhaceen balse waa in aan cadeynaa in aysan jirin meel ka mid ah dalkeena oo aan aqbali karno in fowdo laga sameeyo” Mahammed Shafiq ayaa tilmaamay in ay jiraan muran ka dhex jira masjidka, isla markaana murankaasi ay ka faa’iideysanayaan kooxaha kasoo horjeeda Muslimiinta.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaris la xariirta dhacdadan in ay la xariirto dhacdooyinka mudooyinkan ka dhacayay Britian ee la xariira dilkii askarigii lagu dilay Londan

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN