dahabshiil

XARIIRAD:Hawlgalo Xaga Amaanka Ah Oo Ciidamada Booliisku Ku Soo Qabteen 5 Oday Iyo Marxuumkii Xalay La Dilay Oo Aaskiisa......

xariirad18-06-2013 (BNN) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Xariirad oo xalay dil loogu gaystay marxuum Daahir Yuusuf (Tareeso) ayaa maanta degan,isla markaana maydka marxuumka ayaa lagu aasay magaalada,waxaana magaalada lasoo dhoobay ciidamo kala duwan oo iskugu jira kuwa Booliiska iyo kuwa milateriga oo sugaya amaanka Magaalada. Sidoo kale ciidamada amaanka ee Somaliland ee ku suga Xariirad ayaa xabsiga u taxaabay shan oday oo la sheegay in ay kasoo qabteen magaalada. Magacyada Odayaasha ayaa lagu sheegay .

Caaqil Cumar Daahir aare

Maygaag Daahir Bucul

 Bashiir Daahir Hanfi

Cadoosh Bile Cabdilaahi iyo oday kale oo aan magaciisa naloo xaqiijin.


Isha ku Hay Boramanews.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN