Thursday, 28 June 2012 00:56
Ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaara Xulka Talyaaniga Riccardo Montolivo ayaa lagu arkay mid ka mid ah kabihiisa oo Calanka Jarmalka ugu dhegan, iyadoo habeen dambe uu xulkiisa uu wajahayo ciyaarta Sema Finalka.
Riccardo Montolivo oo ay iska dhaleen aabe Talyaani iyo Hooyo Jarmal ah oo ka soo jeeda Hamburg ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in kulanka Sema Finalka ee habeen dambe uu safto.
Ciyaartii u dambeeyay ee Quarter Finalka ee ay la ciyaareen xulka England ayaa lagu soo bilaabay, isagoo aad uga dhex muuqday, hase ahaatee waxaa uu qasaariyay mid ka mid ah rigoorayaashii Talyaaniga ay ridanayeen.
Montolivo ayaa ku dhashay dalka Talyaaniga, waxaa uu si fiican uga hadlaa luqada Jarmalka, isagoo xataa xilliyada shirarka jaraa'id ku bixiya afkiisa hooyo, kuna jawaab celiya mararka qaar.
27-jirkan ayaa ku biiri doono July Kooxda Ac Milan, isagoo uga soo biiray kooxda Fiorentina oo dhowr xilli ciyaareed uu la soo ciyaaray, qaab ciyaareedkiisa ayaa ahaa mid aad u soo jiidatay kooxo badan, hase ahaatee wali boos joogto ah kama heysto Xulka Talyaaniga, ciyaartii u dambeysay ayuu bedel u ahaa Thiago Motta oo dhaawac ahaa, booskiisana uu buuxinayay, waxaana uu si wanaagsan uga soo baxay kaalintiisa.
"Waxaan hubaa inay tahay ciyaar wanaagsan, qeyb ka mid ah waxaa ahay Jarmal, waxaa waqtigeyga fasaxa geliyaa inaa booqdo xilliga xagaaga Jarmalka, ilaa yaraanteydii 15-jirka waxaan u tagaa waalidinteyda oo degan agagaarka Hambug, waxaa ku leeyahay saaxibo, laakiin waxaa dareemaa inaan Talyaani ahay"ayuu yiri Montolivo.
Habeenka Khamiista ayaa Talyaaniga waxaa uu wajihi doonaa Jarmalka oo horay ciyaartii sema finalka Koobkii Aduunka 2006-dii Jarmalka lagu qabtay ay waqtigii dheeriga ah uga badiyeen labo gool iyo waxba.



