Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Gacan Ka Gayso Dhismaha
Qur`aanka Ee Madarasada Imaam Shaabidi

      HOOS KA DAAWO SAWRADA
 

Madarasada Imaam Shaabidi oo awal lagu dhigi jiray guri kiro ah oo aad qolalkiisu u yar yar yihiin isla markaana ay dhigtaan arday isugu jirta gabdho iyo wiilal tiraddooduna ay gaadhayso 500 oo arday, ayaa waxa ay dhibaato ka haysatay habka waxbarista Quraanka Kariimka ah iyada oo madarasdaasi ay wax ka dhigaan macalimiin tayadooda waxbarasho ay aad u Sarayso.

Madarasada Imaam Shaabidi waxaa lagu bartaa barashada Quraanka Kariimka ah siiba tajwiidka, waxana ka aflaxay dad badan oo xaafidul Quraan ah Kuwaas oo qaarkood meelo badan oo kala duwan ka shaqeeya qaarna ay madarasada Macalimiin ka yihiin.

Guriga Ardayda loogu dhigayo oo yara ayaa dhib ku noqday Macalimiinta iyo ardayda wax loo dhigayo taaso oo keentay inay ka damqadan Md Cali Maxamed Jaamac iyo Xaaskiisa Raxma Xaashi Cabdi oo ay caruurtooduk dhigtaan Madarasada, isla markaana ay ugu deeqayn lacag dhan $6500 (Lix kun iyo Shan boqol oo dollar) si Madarasada dhisma wayn loogu dhiso oo ku filan ardayda iyo macalimiintaba.

Alle ha ka Abaal Mariyee Waalidintaasi waxay suurto galiyeen in shalayba la bilaabo dhismaha Cusub ee Madarasada.

Maamulaha madarasada Sh. Xuseen Nuur Qalinle ayaa kugu baaqaya Muslim inaad ka qayb qaadato dhismaha Madarasada oo aakhiro ilaahay dartii wax gaysatid.

Cali Maxamed Jaamac oo ah Mutadawaca ku deeqay lacagta madarasada laga dhisayo Borama wuxu kazoo jeeda Gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia, Muwaadin adigo reer Awdal ah waxaa laga filaya inta in ka badan inaad ka gaysato.

Dhismaha Cusub oo laga dhigayo Labo dabaq oo isa saran waxa ku baxaya lacag dhan $30,000 (Sodon kun oo dollar),

Aakhiro wax geyso, Ilaahay Dartiid shilina ha ahaate ugu deeq caruurta yaryar ee Quraanka Kariimka ah baranaysa waa ubadkeeni waa ubixi baritoole.

mahadii ha ka gaadhee Maamulaha Shirkada Telesom Borama, Md Abdiqaadir Aaadan ayaa isaguna dhankiisa ka hawl galay sidii Madarasada Dhismaheeda loo taagi lahaa isagoo hiil iyo hooba la garab istaagay.

Md Abdiqaadir waa Muwaadin si wayn wax ugu qabta dadka tabaalaysan iyo horumarinta Gobolkaba, Madarasadana Dhismaheeda gacan wayn buu kuleeyahay.

Cidii wax ku darsanaysa ilaahay dartii ha kala xidhiidhaan

Cali Mohamed oo lagala xidhiidhi karo Telefoonka ah: 00447904896685 dalka gudihiisana waxaa lala xidhiidhi karaa Sh. Xuseen Hassan Shariif Tell No: 4456916 MOBILE: +25265456320


Ka bilow Bidi: Maamulaha Madarasada Imaam Shaabadi Sh.Xuseen Nuur Qalinle  Maamulaha Shirkada Telesom Abdulqaadir Aadan Iyo Raxma Xaashi Cabdi








 Maamulaha Madarasada Imaam Shaabadi Sh.Xuseen Nuur Qalinle

Maamulaha Shirkada Telesom Abdulqaadir Aadan


 


 


                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye