Thursday, 11 October 2018 15:57

Wasiirka Ganacsida Ee Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Shaaciyay In Dawlada Turkigu Ogolaatay In Turkiga Loo Dhoofiyay Waxsoosaarka Somaliya + Kulan Uu La Qaatay Dhigiisa Turkiga

11/10/2018(BNN) Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Maxamed Xayir Maareeye oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay xukuumadda Ankara inay dooneyso siddii wax soo saarka Soomaaliya loogu iibgeyn lahaa suuqyada Turkiga,kaddib kulan gaar ah oo uu la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga.

Maareeye oo dalka u jooga ka qaybgalka shir weynaha madasha ganacsiga Afrika iyo Turkiga , ayaa kulanka uu la qaatay wasiirka ganacsiga Turkiga waxaa looga hadlay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

“Turkiga wuxuu nagu dhiirrigaliyay siddii dhaqso loogu billaabi lahaa in wax soo saarka Soomaaliya oo canshuur dhaaf loo sameeyay loo keeni lahaa suuqyadiisa, arrinta oo uu gacan naga siin doono.” ayuu yidhi wasiir Maareeye.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageerra Soomaaliya, waxaana labada dal ka dhaxeeya iskaashi ballaaran, iskaashigaa ayaa lagu tilmaama inuu door ka qaadanayo mar kale inay duniddu aaminto Soomaaliya.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree