Wednesday, 07 November 2018 17:47

DEG DEG:Shariif Xasan Sh Adaan Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Oo Ku Dhawaaqay Inuu Iscasilay Isla Markaana Xilka Wareejinayo Madaxwaynaha Dhawaan Doorashada Ku Guulaysta

shariifka
 
07/11/2018 (BNN) Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo goordhaw Warbaahinta iyo masuuliyiin kula hadlay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay in uu ka qeyb galo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale iska casilay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo xil heynteeda maalmo uga harsaneyd, waxa uuna si KMG ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa damacsanaa in uu waqti dheeraad ah ku darsado xilkiisa uuna abuuro xiisado siyaasadeed, hasa ahaatee damaca Shariif Xasan ayaa fashilmay kadib markii cadaadis saartay Beesha Caalamka
Shariif Xasan ayaa tanaasulka uu sameeyay loo sababeeyay in ay ka dhalatay cadaadiska beesha Caalamka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya oo taageero balaadhan siineysa qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan Doorashada 
 
Xafiiska Wararka BNN
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree