Wednesday, 07 November 2018 18:21

DEG DEG: Afhayeenkii Maamul Goboleedada Oo Imika Iscasilay Iyo Dawlada Federaalka Oo Lagu Sheegay Inay Kala Daadisay Xayndaabkii Shariif Sikiin Ee Baydhabo

Cabdullaahi Sheekh Xasan 324x235
 
07/11/2018 (BNN)  Afayeenkii Golalaha iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa iska casilay xilkaasi.
Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa iscasilaadiisa ku sheegay in ay ku kaliftay kadib markii Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu iscasilay waxa uu sheegay in uusan xilka afayeenimo ee Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada uusan sii heyn karin maadama uu meesha ka baxay Madaxweynihii keynsaday sida uu sheegay.
Iscasilaadan uu sameeyay Afayeenkii Golaha iskaashiga  ayaa imaanaysa wax yar uun ka dib markii uu Shariif Xasan Shiikh Aadan 
uu iska casilay xilka madaxweynenimo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
 
Talaabooyinkani ayaa muujinaysa sida dawlada dhexe ee Madaxwayne Farmaajo ay uga awood badisay una kala daadisay xayndaabkii awooda Shariif Xasan Ee Baydhaba.
 
Xafiiska Wararka BNN
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree