Thursday, 08 November 2018 08:17

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Donald Tramp Oo Xilkii Ka Xayuubiyay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Dalka Maraykanka Iyo Waxyaabaha Sobobay Xilka Qaadistaasi

08/11/2018(BNN) Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka Jeff Session. Talaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baarista Robert Mulleur oo ah ninka baadhaya xidhiidhka lagayaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dawladda Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta.

Mr. Session ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday, hadalkaas oo u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto, taas oo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Muleur.

Haddaba xiliga ay is casilaadani ku soo beegantay, iyo sida laga yaabo in baarista Mulleur ay u saameyso ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Garyaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo ka hawlgala gobolka MN.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree