Thursday, 08 November 2018 08:25

Madaxwaynaha Dawlada Fadaraalka Somaliya Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulan Ku Wada Qaatay Madaxtooyada Somaliya Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

08/11/2018(BNN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa intii uu kulan kooda socday iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda.

Kulanka Madaxweynaha iyo Gudoomiyha Baarlamaanka ayaa yimid ka dib markii shalay uu iscasilay Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu eedeeyay in ay faragelin ku heyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree