Thursday, 08 November 2018 08:35

Budhcad Badeed Lagu Shegay In Ay Somali Yihiin Oo Weerar Ku Qaaday Doon Laga Leeyahay Dalka Taiwan Iyo Kacdoonkii Budhcada Badeeda Ee Biyaha Somaliya Oo Soo Labo Kacleeyay

08/11/2018(BNN) Doon nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay Taiwan ayaa sheegtay in ilaaladeeda ay toogteen Koox burcad-badeed ah meel ku dhow biyaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya Subaxdii Arbacadii.

Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Kalluumeysiga ee Taiwan Lin Qo-ping ayaa xaqiijiyay in Kooxdaasi la dilay ka dib markii ay doonta Weerar kusoo qaadeen xilli ay mareysay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Doonta waxaa u suurta gashay in ay ka cararto goobta, iyada oo dhammaan shaqaalahihii Saarnaa ay Ammaan qabaan.

Doontaan oo lagu magacaabo Taiwan Tuna Longline Association ayaa sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ay xoogeystay bilihii lasoo dhaafay,islamarkaana ay dhowr jeer galeen halis ah in ay gacanta u galaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.

Waxaa looga digay doonyaha kalluumeysiga ah ee ka shaqeynaya badweynta Hindiya in ay ka digtoonaadaan burcad-badeedda iyo in ay ka fogaadaan biyaha u dhow Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree