Thursday, 08 November 2018 08:32

Qaar Ka Mid Ah Murashaxiinta U Tartama Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Oo Ku Baaqay In Dib Loo Dhigo Doorashada Maamulkaasi

08/11/2018(BNN) Qaar ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay iscasilaadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ay soo jeediyeen in la dardargaliyo howlaha Doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Musharaxiinta xilka Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo jeediyay in ay muhiim tahay in dib loo dhigo doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed ka dib markii ay sheegeen in dib u dhac uu ku yimid howlihii shaqadda maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo soo dhameystiro xubnihii iska casilay Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

 KM1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

KM2

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree