Thursday, 08 November 2018 21:18

Aqalka Cad EE Mareykanka Oo Kaadhka Aqoonsiga Ee Lagu Galo Kala Laabtay Weriyaha Telefishanka CNN Jim Acosta Oo Su'aalo Adag Waydiiyay Madaxwayne Tramp

08/11/2018(BNN) Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa kaadhka lagu galo kala laabtay wakiilka CNN ee Aqalka Cad saacado kaddib markii ay hadallo kulul is dhaafsadeen madaxweyne Donald Trump.

Jim Acosta ayaa shir jaraa`id oo uu Trump shalay qabtay ku weydiinayay su`aal, markii shaqaale ka tirsan Aqalka Cad ay isku dayday inay makarafoonka ka qaaddo.

Xoghayaha warbaahinta Sarah Huckerbee Sanders ayaa sheegtay in weriyahan kadhka lagu galo Aqalka Cad lagala laabtay, sababtuna ay tahay inuu u gacan qaaday gabar dhalinyaro ah.

Madaxweyne Trump ayaa ka hadlayay doorashooyinka dhexe ee dalkaasi, taas oo xisbigiisa uu ku waayay aqlabiyadda aqalka hoose ee Congress-ka, balse wuxuu kuraas ka helay aqalka sare.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree