Friday, 09 November 2018 09:39

Madaxwaynihii Hore Ee Ismaamulka Somali State Cabdi Ilay Oo Maanta La Horgaynayo Maxkamada Ka Duwan Maxkamadii Markii Hor Gacanta Ku Haysay Kiiskiisa

09/11/2018(BNN) Ayadoo shalay ay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa amartay in markii shanaad xabsiga lagu hayo madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa wararka na  soo gaadhay waxay sheegayaan in isla shalay la amray in Jimcaha maxkamad la hor geeyo.

Wararkan ku saabsan in maanta oo Jimce ah maxkamad la geyn doono Cabdi Maxamuud waxaa xaqiijiyey ilo madax bannaan iyo kuwo ku dhowdhow kooxda difaacaysa.

Ma cadda sababta isbeddelkan degdegta ah loo sameeyey, hase yeeshee maxkamaddan ayaa la sheegayaa inay ka duwanaan doonto darajo ahaan tii la geeyey afartii jeer ee hore.

Iluhu waxay sheegayaan inay kaga duwanaanayso qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore ku lug lahayn.
Waxaa kale oo iyagana soo baxay warar ku saabsan in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena "ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar".

Waxaa kale oo iluhu ay sheegayaan in wixii maxkamaddan ka soo baxa loo gudbin doono tii afarta goor ee hore la hor geeyey.

Maxkamaddaas hore ayaa la sheegayaa in ay leedahay go'aanka ah inay qaadato ama diiddo go'aanka maxkamaddan Cabdi la horgeyn doono.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xukunka ka degey horraantii bishii Agoosto, ka dib markii rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga ay ku fideen deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Bariga Itoobiya.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree