Friday, 11 January 2019 08:03

Dabkii Xalay Qabsaday Suuqa Wayn Ee Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Oo Lagu Guulaystay In La Bakhtiiyo Iyo Ganacsato Sheegay In Ay Dankaasi Hanti Badani Ku Shuf Beeshay

11/01/2019(BNN) Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkii xalay ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, islamarkaana ay ku yaallaan ganacsiyo kala duwan.

Dabka ayaa ka kacay qeybta Hudheyda dukaan yar oo ku yaalla, waxaana uu gaadhay ilaa iyo qeybta Maacuunta oo ku dhegan Suuqa Khaliifa.

Gaadiidka dabdamiska Shirkaddaha sidda gaar ah loo leeyahay iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa goor dambe ku guuleystay in ay dabka damiyaan.

Qaar ka mid ah Ganacsatadda Suuqa ayaa sheegay in Hanti badan ay ku gubatay dabkii xalay, islamarkaana uu ahaa Mid ka mid ah kuwii ugu cuslaa ee Suuqa soo mara.

Ilaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay balse waxaa wali socda Baaritaano kala duwan.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree