Saturday, 12 January 2019 09:43

Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Fadhi Aan Caadi Ahayn ka Yeelanaya dib-u-dhaca doorashada Iyo Muddo Kordhin Ay Sameeyaan

12/01/2019(BNN) Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta oo sabti ah u ballansan fadhi aan caadi ahayn oo ay yeeshaan, sida uu shaaciyay Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi,

Waxa Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidu uu Mudaneyaasha ku wargeliyey in aanay ka baaqsan fadhigaas oo muhiim ah isla markaana lagaga hadli doono arrimo danaha Qaranka JSL, Sidaas darteed, inkasta oo aanu shaacinin waxyaabaha uu la xidhiidho ee lagaga hadli doono fadhigan aan caadiga ahayn, balse ilo xogogaala ayaa Hubaal u xaqiijiyay in fadhigan Golaha Guurtidda la iskugu yeedhay ka dambeeyey waraaq uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu u qoray Golaha Guurtidda inay waajibaadkooda ka gutaan doorashadii isku lammaaneyd ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dib u dhacday.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree