Saturday, 12 January 2019 15:48

Ururka Alshabaab Oo Soo Bandhigay Askar Ku Labisan Darayska Ciidamada Dawlada Oo Ay Sheegtay In Ay Ka Soo Koosteen Ciidamada Dawlada Kuna Biireen Alshabaab

12/01/2019(BNN) Al-Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen shan askari oo ku libsinaa Dareeska Ciidamada dowladda gaar ahan kuwa Milateriga waxa ayna sheegeen in ay kasoo goosteyn Ciidamada dowladda.

Waxa ay kusoo bandhigeen askartaani Magaalada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud, waxa ayna warbaahinta afkooda ku hadashaa ku sheegeen, in qoryaha ay ragaan ay wateyn ay u lacageeyeen.

Waxa ay sheegeen Al Shabaab askartaasi inay ka soo baxsadeen dhanka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayna u gudbeen dhanka Degmada Ceelbuur halkaasi oo masuuliyiin Shabaab ka tirsan ay ku soo dhaweeyeen.

Sidaan oo kale Ahabaab ayaa dhowr mar soo bandhigay askaray sheegayaan in ay kasoo goosteyn dowladda.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree