Saturday, 12 January 2019 20:49

Madaxwaynaha Cusub Ee Maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Ee Maamuka Puntland Iyo Waxyaabaha Uu Kala Hadlay

12/01/2019(BNN) Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Climi Karaash ayaa maanta maagalada Garoowe kullan kula qaatay masuuliyiinta wasaaradda Maaliyada Puntland.

Waxa ayna kala hadleen hanaanka ay u shaqeyso wasaaradda Maaliyada maamulkaasi, waxaana kullankaasi uu ka dhacay xarunta wasaaradda Maaliyada, halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay wasiirka Maaliyada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa waxa uu u muuqdaa in ahmiyad weyn uu siinayo arrimaha maaliyada maadama amrakiisii ugu horeeyay ee uu soo saaray uu ahaa in Bankiga Puntland uusan bixin wax dhaqaallo ah ilaa amar dambe.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree